Tukihii Oomanaa

Ubadka By Ubadka
3 Min Read
→ Tukihii Oomanaa

Galab galbaha ka mid ah, oo ay cimiladu aad u kulushahay, ayaa tuke aad u oomani raadinayay biyo uu oonkiisa ku tiro, isagoo si hagar la’aan ah u raadinayay biyaha, bari iyo galbeedna u kacayay, heer uu markii danbe si aan kala sooc lahayn wax u raadinayay.

In muddo ah markii uu ku jiray baadi-goobka biyaha, isla mar ahaantaana uusan helin wax biyo ah, waxa uu dareemay niyad jab aad u xoogan, isagoona ku sigtay in uu lumiyo rajadii ahayd biyo raadinta.

Saacado kadib, tukihii waa uu daalay, itaalkiisuna waa uu soo yaraaday, wuxuuna go’aansaday inuu yara nasto, isagoo dul joogsaday laan ka mid ah laamaha geedka

Intii uu ku guda-jiray nasashadiisii ayaa ay ishiisu qabteen weel dhoobo ah, oo yaalla meel aan sidaa uga fogayn, wuxuuna damcay inuu ka war doono, isagoo is lahaa: “War weelka ka war doon, waa intaasooy biyo ku jiraanee“.

Nasiib wanaag, mise waaba weelkii oo ay biyo ku jiraan, hasa yeeshee weelku wuu af yaraa, biyuhuna waxay ahaayeen gabaabsi, waxayna ku jireen gunta hoose, mana uusan awoodin inuu cabo.

Wuxuuna isku dayay inuu af-kiisa la gaaro biyaha, balse wuu awoodi kari waayay, weelka oo ay dhumucdiisu aad u yarayd, iyo heerka biyaha oo aad u hooseeyay awgeed.

Sidoo kale wuxuu isku dayay inuu weelka soo jelleeciyo, si ay biyuhu u soo dhawaadaan, hasa yeeshee taasina way suurtoobiwayday, weelka oo cuslaa awgeed.

Isku-dayo badan kadib, waxaa uu helay xal, kaasoo ah in uu weelka ku shubo quruurux yaroo dhagaxaan ah, si ay biyuhu kor ugu soo kacaan, una suurtagasho inuu cabo.

Markaa kadib buu wuxuu eegay hareerihiisa, wuxuuna soo uruursaday quruurux yaroo dhagaxaan ah, isagoo mid mid u soo qaadanaya, kuna ridaya weelkii ay biyuhu ku jireen, mise waaba biyihii oo si tartiib tartiib ah kor ugu soo kacayaan.

Quruurux badan kadib, biyihii waxay imaadeen dusha sare ee weelka, waxaana suuragashay inuu tukihii si fudud ku cabo biyihii, isla mar ahaantaana uu oon baxo ama uu haraad baxo.

Waxa Laga Dheefayo Sheekada:

  • Inaan dhibaatooyinkeena qaar xalin karno, hadii aan ku dadaalno.
  • Inaan si fudud lagu niyad jabin.
  • Inaan isku-dayo badan samayno.
TAGGED:
La Wadaag Sheekadan Ciddii Aad Garanayso
Faallo Ka Bixi