Tukihii Ay Dawacadu Dhagartay

Ubadka By Ubadka
1 Min Read
→ Tukihii Ay Dawacadu Dhagartay

Tuke madaw oo qurux badan oo af jaale/huruuda leh, ayaa bari ku noolaa kayn aad u qurux badan, oo leh geedo cufan.

Maalin maalmaha ka mid ah, tukihii oo geed dushii fuushan, afkana ku haysta cad yaroo hiliba, ayaa waxaa soo hoos martay dawaco aad u dhagar badan.

Waxayna dawacadii damacday inay si xeelad leh uga qaadato cadkaa hiliba ee uu tukuhu afka ku haysto, maadaamay ogtahay inay si xoog leh kaga qaadan karin, ileen waakan tukuhu geed dushii fuushan, iyaduna aanay awoodin inay geedka fuusho.

Fikir badan kadib, waxay dawacadii heshey kaarto ah inay tukihii ka hadashiiso, iyadoona ku tidhi “Tukoow sida aad adiguba u qurux badan tahay, buu codkaaguna u qurux badan yahay, ee miyaad ila hadli kartaa?“.

Isla markii uu tukihii afka kala qaaday, si uu dawacadii ula hadlo, ayaa uu cadkii hiliba ahaa afkiisa ka dhacay, waxaana markiiba la carartay dawacadii.

Waxa Laga Dheefayo Sheekada:

  • Inaan la rumaysan hadalkastoo la sheego, gaar ahaan cidda aan la aqoon.
  • Inaan si fudud lagu aaminin cid kasta.
  • In hadalada qaar laga fiirsado runimadooda.
La Wadaag Sheekadan Ciddii Aad Garanayso
Faallo Ka Bixi