Dawacadii Damaca Badnayd

Ubadka By Ubadka
2 Min Read
→ Dawacadii Damaca Badnayd

Kayn aad u weyn baa waa-waayaha ka mid ah waxaa ku noolaa dawaco aad u damac badnayd, waxayna maalin kasta ku dhex wareegi jirtay kaynta, si ay u hesho cunto ay cunto maalintaa, iyadoo mar buurta fuusha, mar wabiyada ka tallawda, mar jidadka kaymaha dhexdooda dhex socota.

Dawacada waxaa lagu xantaa inay tahay dugaag dhagar badan, oo damac badan.

Haddaba maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa ay u soo kallahday in ay cunto raadsato, sida ay caadadeedu ahayd.

Markii ay maraysay jidadka kaymaha dhexdooda ayaa ay heshay cad hiliba oo jilicsan, iyadoo markaa afkeeda ku soo qaadatay, isuna diyaarisay inay u jihaysato gurigeedii.

Iyadoo dhex sii socota, isla mar ahaantaana wabi dushii maraysa, ayaa waxa ay kulmeen dawaco kale oo da’ahaan iyo jidh ahaanba ka yar, hasa yeeshee sidata cad hiliba oo shilis, oo ka mug weyn ka ay dawacadii damaca badnayd sidatay.

Markaa ayaa dawacadii damaca badnayd uu damac galay, iyadoo go’aansatay inay cadkaa hiliba xoog uga qaadato dawacadii yarayd, si ay u hesho cunto kale oo dheeraad ah.

Isla markii ay dawacadii damaca badnayd afka kala qaadday, si ay u weerarto dawacadii yareed, ayaa uu cadkii hiliba ahaa ka dhacay afkeeda, kuna dhacay wabigii ay dulmaraysay.

Iyadoo ka naxsan cadkii hilibka ahaa ee ku dhacay wabiga, ayaa ay dawacadii yarayd iyaduna si degdeg ah u fahamtay in weerar lagu soo qaadi rabo, iyadoo judhdhiiba carartay, lana waayay muuqeedii.

Dawacadii damaca badnayd ayaa gurigeedii ku soo noqotay iyadoo gaajaysan, isla mar ahaantaana ka qoomamaynaysa damaceedan gurracan, iyadoo maalintaa dacawadii damaca badnayd cashar lama illaawaan ah ka baratay nolosha, casharkaasoo ah in aanay damac badnaan, oo aanay isku dayin in ay cid kale ka xoogto wax aysan iyadu lahayn.

Waxa Laga Dheefayo Sheekada:

  • Inaan la damac badnaan.
  • Inaan la isku dayin in xatooyo la gaysto.
  • In lagu qanco waxa la haysto, haba yaraatee, bedelkii la hungureen lahaa wax qof kale gacantii ku jira.
TAGGED:
La Wadaag Sheekadan Ciddii Aad Garanayso
Faallo Ka Bixi